Daawo Yaabkii Maanta ka dhacay Dolow : – Sarkaal Xabashi oo watay Ciidankii qabsaday Dolow oo Maleeshiyada Farmaajo ugu Khudbeynaaya hal Dal iyo Hal Dad baynu nahay


Dawlada Faderaalka ah ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta u adeegsatay Ciidamada Dalka Ethiopia in ay u qabtaan oo u cadaadiyaan Shacbiga Somaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Dolow ee Gobolka Gedo, kuwaas oo aad uga soo horjeeda Siyaasada Cunfiga Qabiil ku dhisan ee Kooxada Nabad iyo Nolol ay ku kala qaybinayso Umadda Somaaliyeed ee sida Nabada ah ugu wada nool Maamul Goboleedka Somaaliyeed ee Jubbalada.

Nasiib daro waxaa Telefishinada ka soo muuqday maanta Taliyihii Ciidankii Ethiopia ee saaka qabsaday magaalada Dolow oo Maleeshiyooyinka ka amar qaata Madaxweyne Farmaajo ugu Khudbeynaaya in Somalia iyo Ethiopia yihiin Hal Dal iyo Hal Dad oo Walaalo ah.

Faragelinta Dawlada Ethiopia ay ku hayso Dawalada Somaaliyeed ayaa ah mid aad u ah khatar,isla markaan u wejiyo badan.

Shalay ayey aheyd markii Raisal Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed uu sida xun u ihaaneyey Madaxweyne Farmaajo, kadib markii uu Martiqaad heerkiisu aad u sareeyo uu u diray Hogaamiyaha Somalidiidka ah ee Somaliland Mudane Muse Biixi, isla markaana uu Raisal Wasaare Abiy uu u ogolaaday Muse Biixi inuu ka qeyb galo Xafaladii Xiritaanka Shirweynihii Madaxada Wadamada Midowga Africa, goobtaas oo lagu dhaawacay Midnimadii iyo Qaranimadii Umadda Somaaliyeed waxaa Xaadir ku ahaa oo markhaatinimo bilaa ficil ah goobta ku joogay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo lagu eedeeyo inuu isu dhiibay Raisal Wasaare Abiy Axmed iyo Dawlada Ethiopia.

Dawlada Federaalka Somaaliyeed iyo Kooxaha sida aadka ah uga taageer Social Media ayaa afkii juuqda gabay markii Muse Biixi ka soo muuqday Xafaladii is macasalaameynta aheyd iyo Masawiradii ay sida wadajirka ah u galeen Madaxda Africa.

Halkan ka daawo Sarkaal Ethiopian ah oo u khudbeynaaya Maleeshiyada Farmaajo.