Madaxweyne Farmaajo ma wuxuu aqbalay Gooni isutaaga Soomaaliland

Warar Dublamaasiyadeed oo Warbaahinta Puntlandi.com ay heleen ayaa sheegaya in Safarkii hore ee Madaxweyne Farmaajo uu laba Todobaad ka hor uu ku tagay Adis Ababa uu Raysal Wasaare Abiy Ahmed kala hadlay Qorshe cusub oo uu ka damacsan yahay Geeska Afrika.

Qorshaha Cusub waxaa kamid ah in Soomaaliland lasiiyo Ismaamulid Madaxbanaan mudo toban sano Oo tijaabo ah, Qorshahaasna waxa laga dhaadhiciyey Madaxweyne Farmaajo.

Taas badalkeeda Madaxweyne Farmaajo waxay Itoobiya Siineysaa si Deyn ah Ciidan Itoobiyaan ah oo Amarkiisa ku shaqaynaya.

Wararkaan oo Howlwadeenada Dublamaasiyada ee Warbaahinta Puntlandi.com ay ka heleen Ilo Dublamaasiyadeed ay intaas ku darayaan.

In Ay Itoobiya doonayso in Soomaaliland ay noqoto Dowlad Madaxbanaan sida Eretria, Halka Madaxweyne Farmaajo uu isna doonayo inuu helo qaab uu kursiga ugusoo laabto waxwalba ha kuvqaadatee.

Puntlandi.com