Cabdiraxmaan Cabdishakuur :- Madaxweyne Farmaajo Buugisii Jaamacada ayuu ku aflagaadeyey Beelaha Majeerteen,Mudulood, Isaaq iyo M/weyne Aden Cadde, maantana isagoo Adis ababa jooga ayuu iska dhigayaa Nin Madaxweyne Aden Cade xushmo u haya.

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku tilmaamay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo laba wajiile iyo igu sawir.

Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu caawa soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitter ka kaga jawaabay qoraal maanta Madaxweyne Farmaajo oo jooga magaalada Adis ababa uu ku muujiyey xushmada uu u hayo Madaxweynihii hore ee Somaaliya Aden Cabdulle Cusmaan, oo maanta Maswirkiisa lagu soo daray halgamaayasha iyo hogaamiyaashii hore ee Qaarada Africa oo lagu soo bandhigay xarunta Midowga Africa ee Adis Ababa.

Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Umadda Somaaliyeed iyo Madaxweyne Farmaajo laftigiisaba dib u xusuusiyey aflagaadadii iyo naceybkii qabiil ee Madaxweyne Farmaajo uu ku qoray Buugisii uu uga qalin jabiyey Jaamacada sanadkii 2010,kaas oo uu ku aflagaadeyey Beelaha Somaaliyeed ee Majeerteen,Mudulood iyo Isaaq oo uu ku tilmaamay kuwo dibi dhilif u ahaa Isticmaarkii gumeysiga ku haystay Dalka Somaaliya.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa Buugiisa ku aflagaadeeyey oo ku tilmaamay Wiilashii Isticmaarka Allaah ha u naxariisyee Madaxweyneyashii hore ee Somaaliya ee Aden Cabdulle Cusmaan( Aden Cade ) iyo Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo weli wax raalin galin ah kama bixin Aflagaadaa iyo Naceybkaa Qabiil ee uu u muujiyey Beelaha Somaaliyeed iyo Allaah ha u naxariistee Hogaamiyaashii hore ee uu maanta isaka dhigayo inuu Xurmo u hayo..

Halkan ka akhriso qoraalkii C/raxmaan C/Shakuur soo dhigay bartiisa Twitterka.

.

Halkan ka daalaco qoraalkii Madaxweyne Farmaajo soo dhigay maanta Twitterka ee uu ku jilaayey inuu xushmada aan qalbiga kaga jirin uu u muujinaayo Allaah ha u naxariistee M/weyne Aden Cade oo u horeyey u aflagaadeyey.

Halkan ka akhriso qoraalkii Madaxweyne Farmaajo ku qoray Buugisii Jaamacada sannadkii 2010 ee uu ku aflagaadeyey Beelaha iyo Hogaamiyaasha Somaaliyeed.