Xildhibaanada Aqalka Sere ee Reer Puntland oo qaadacay kalfadhigii Aqalka sare iyagoo fulinaya hadalkii Madaxweyne Deni

Xildhibaanada Aqalka Sare ee Reer Puntland ayaa maanta aan soo xaadirin Kalfadhigii Aqalka sare, iyadoo Sanateradii kalfadhiga fadhiyey ay iswaydiiyeen sababta ay Reer Puntland ay gabi ahaan u gooyeen Kalfadhiga Aqalka sare.

Sanatarada ayaa iyagoo fulinaya hadalkii Madaxweyne Deni ee ahaa in Xukuumada hada jirtaa ay ku fashilantay shaqadeedii, isla markaasna uu Madaxweyne Deni u muujiyey Sanaterada iyo Xildhibaanada in Xukuumada Federaalku ay khatar ku tahay jiritaanka Maamulada ka jira Dalka.

Talaabadaan ay qaadeen Senetarada ayaa muujinaysa in Go’aamadii Golaha Wasiirada Puntland ay soo saareen jamcada uu yahay mid miisaan culus.

Sanetarada Puntland ee ku jira Aqalka sare wali kama aysan hadal maqnaanshohooda maanta.

Gudoomiyaha Aqalka sare oo maanta la hadlay senatarada wuxuu cadeeyay inuusan ka war heyn sababta ay u maqan yihiin Senetarada Reer Puntland.

Puntlandi.com