Raysal Wasaaraha Canada oo Raysal wasaaraha Itoobiya Baraya Wasiir Axmed Xuseen

Raysal wasaaraha Canada Justin Trudeau iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta waxay Booqasho ku joogaan Dalka Itoobiya, Safarka Raysal wasaaraha ayaa ujeedkiisu yahay ololaha ay Dawlada Canada ugu jirto sidii ay kursi uga heli lahayd Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay.

Wafdiga Raysal wasaaraha waxaa ka mid ah Axmed Xuseen oo ah wasiirka Adeega Arimaha Bulshada ee Dalka Canada, waxayna ka qayb galayaan oo marti u yihiin Shirka Madaxda Midowga Afrika.

Raysal wasaaraha Itoobiya oo kusoo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ayaa aad ugu farxay inuu la kulmo Axmed Xuseen oo ah Nin Somali Canadian ah oo guul weyn ka gaaray Dalka Canada ahna Mid kamida Shaqsiyaadka Saameynta ku leh Siyaasada Dalka Canada.

Puntlandi.com
Adis ababa