Shir jaraa’id Madaxweyne Xigeenka Jubbaland uu Baladxaawo ku qabtay “Rabitaan dhaqai iyo Aragti xun oo aan shaqaynaynin laakiin cawaaqi xumo reebaysa waa inaan gacan la siin, waa in Caqligu shaqeeyaa“

Madaxweyne Xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aaden oo shir jaraa’id ku qabtay Baledxaawo ayaa wuxuu Xukuumada Federaalka ku eedeeyay inay Cawaaqi xumo ka wadaan Gobolka Gedo.

Madaxweyne Xigeenku wuxuu sheegey in Ciidamadii Soomaaliyeed in la iska horkeeney iyadoon Shacabka loo naxayn.

“Maanta waad aragtaan Isbitaaldii waa la xiray, Hay’adihii shaqaynayay waa la xiray, rabitaan dhaqsi iyo Aragti xun oo aan shaqaynaynin laakiin cawaaqi xumo reebaysa waa inaan gacan la siin, waa in Caqligu shaqeeyaa” ayuu yiri Madaxweyne Xigeenku.

Madaxweyne Xigeenku wuxuu Shacabka kula dardaarmay inay is ilaaliyaan ayna ka fogaadaan Goobaha Ciidamada joogaan.

Maanta waxaa Beledxaawo ku dhintay Sadex Askari oo laba kamida ay yihiin kuwa Federaalka halka hal Askari uu ka dhintay Jubbaland.

Isku dhaca wuxuu ka bilowday kadib markii Askar Jubbaland ah oo maraya Bartamaha Baledxaawo ay soo weerareen Ciidamada Muqdisho ka yimid, waxaana halkaas ka bilowday israsaasayn dhalisay khasaarahaas.

Puntlandi.com
Kismaayo