Puntland Current Trend (PTC) “ BAAQ AYIDAAD GO’AANKA GOLAHA XUKUUMADDA PUNTLAND”

Madasha Puntland Current Trend (PTC) waxay soo dhaweynaysaa go’aamada golaha xukuumadda Puntland ay 07/02/2020 ka soo saareen shirkoodii ka dhacay xarunta madaxtooyada magaalada ganacsiga Puntland ee Boosaaso, shirkaas oo ay uga hadleen arrimo dhawr ah oo khuseeya xaaladda guud ee Soomaaliya si gaar ahna u taabanaya shacabka iyo dowladda Puntland. Waxaa goluhu soo dhaweynayaa kana marag kacayaa doodaha ay Puntland miiska soo saartay.

Waxaa marag ma doonto ah in xiriirka iyo wada shaqaynta dowladda Puntland iyo dowladda federalka ee Soomaaliya uusan wanaagsanayn intii muddo ahaydba, uuna soo bilowday xukuumadihii ka horreeyey midda hadda jirta.

Waxaa madashu si weyn u soo dhaweynaysaa shirka wada tashiga ah ee Madaxweynaha iyo xukuumaddiisu ku dhawaaqeen, kaas oo la qaban doono 15 bisha Maarso ee sanadka 2020 ayna ka soo qeybgeli doonaan golayaasha dowladda Puntland, xubnaha Puntland ku matala labada aqal ee federaalka (aqalka sare iyo golaha shacabka) , siyaasiyiinta, isimada, waxgaradka iyo qurbejoogta reer Puntland. Goluhu wuxuu u arkaa in Madaxweynaha iyo golihiisa wasiiradu asiibeen tallaabo loo baahna in horay loo qaado.

Waxaa madashu marwalba diyaar la tahay inay ka qayb-qaadato qabsoomidda shirkaas iyo inay ka soo baxdo natiijo dhaxalgal ah oo loo aayo taas oo dan u ah shacabka Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Waxaa madashu ugu baaqaysaa dadweynaha reer Puntland inay soo dhaweyaan shirka xukuumaddu ku baaqday isla markaasna is garab taagaan.
Puntland Current Trend (PCT) waa madal ay ku mideysan yihiin aqoonyahano iyo waxgarad reer Puntland ah, kuwaas oo kala jooga dunida daafaheeda. Waxaa madashu u dhisan tahay ka doodista, odoroska iyo abla-ableynta iyo talo-bixinta xaaladaha taagan, tagtada iyo timadaada guud ahaan Soomaaliya iyo gaar ahaanna Puntland.

Dhammaad.

Puntland Current Trend (PCT) waa madal ay ku mideysan yihiin aqoonyahano iyo waxgarad reer Puntland ah, kuwaas oo kala jooga dunida daafaheeda. Waxaa madashu u dhisan tahay ka doodista, odoroska iyo abla-ableynta iyo talo-bixinta xaaladaha taagan, tagtada iyo timadaada guud ahaan Soomaaliya gaar ahaanna Puntland, Hoos ka akhris xubnaha xubinta ka ah Madasha