Dagaal mudo kooban socdey oo ka dhacay Baledxaawo, Khasaaraha rasmiga ah

Waxaa maanta Baledxaawo ka dhacay iska hor imaad dhex maray Ciidamada Dowlada Federaalka iyo Ciidamada Jubbaland kasoo dhaliyey khasaare nafeed.

Laba Askari oo ka tirsan kuwa Dowlada Federaalka ayaa la xaqiijiyey iney ku dhinteen kadib markii ay labada Ciidan isku dheceen, Dhanka Jubbaland hal Askari ayaa dhawacmay, Waxaa sidaas Puntlandi.com u xaqiijiyey Dadka Degan Magaalada.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan in isxabadeyntu ay socotay mudo labaatan daqiiqo ku dhow, magaaladana waxaa laga maqlayay dhawaaqa Rasaasta.

Maalmahaanba labada Ciidan Way is hor fadhiyeen lamana oga Qolada bilowday Rasaasta.

Shacabka Magaaladu aad ayay uga walwalsan yihiin Xaalada hada taagan iyo joogitaanka Ciidamada.

Wixii kasoo kordha kala Soco Puntlandi.com