Breaking News Daawo : – Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan Cabdishakuur oo ku tilmaamay Xulashadii Farmaajo ee 2017 kii in ay dhashay 3 Sano oo khasaare ah, isagoo soo dhaweeyey Gogoshii uu fidiyey Madaxweynaha Puntland

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maanta ka hadlaayey saddex sano guuradii ka soo wareegtay Xulashadii Barlamaanka 4.5 Qabiilka ku saleysan ay madaxtinimada Dalka ugu doorteen Mudane Maxamed Cabdullashi Farmaajo ayaa ka digay xaalada aadka khatarta u ah ee uu ku sugan yahay Dalku.

Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku eedeyey Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Xukuumadiisu in ay Dalkii ka abuureen Colaad iyo dagaalo sokeeye ah, iyagoo ku fashilmay in ay hore u sii wadaan hanaankii iyo Nidaamkii socday ee ahaa dibu heshiisiinta iyo isku dumida shacbiga somaaliyeed ee Qarannimadii iyo Sharafkoodii hore looga burburiyey.

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ku baaqay,isla markaana waajib qaran ku tilmaamay in la badbaadiyo Dalka iyo Dadka Somaaliyeed, oo Xukuumada Farmaajo ku hogaaminayso Nidaamkii Qabiil ee Macangaga ahaa iyo Dariiq shalay lagu jabay ee Naceybka, Colaada iyo Kalitalisnimada ku saleysnaa.

Ugu danbeybtii Hogaamiyahs Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa soo dhaweeyey Gogoshii Somaaliyeed ee wadatashiga aheyd ee uu shalay Umadda Somaaliyeed u fidiyey Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Halkan ka daawo Hadalkii Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir