Juxa oo soo dhaweyey Shirweynaha Ay Xukuumada Puntland ku baaqday

Wasiirkii hore ee Wasaarada Waxbarashada Puntland Cadi Faarax Juxa ayaa wuxuu soo dhaweeyey GO’aamadii Xukuumada Puntland iyo Khudbadii Madaxweyne Deni.

Wasiir Juxa oo Qoraal uu ku cabirayo Sida uu u arko Go’aamadaan wuxuu soo dhigay Bartiisa Facebook.

Waxaa qoraalkiisa kamid ahaa

  • Go’aanka golaha xukuumadda Puntland ee maanta iyo khudbadda Madaxweyne Deni waxay kusoo aadeen xilli ku habboon. In reer Puntland talo buuxda iyo wadatashi ka yeeshaan hannaanka Dawladnimada Somalia iyo qaabka loo wajahayo waa dood soo daahday, loona baahan yahay in laga fara buuxsado” .

Juxa wuxuu kaloo sheegey in xiligaan la joogo wakhtigii dib loo eegi lahaa Dowladnimada Soomaaliya, ma ahan in Xiligaan ay Dowlada Soomaaliya ay u muuqaal iyo habdhaqanka ekaato Xukuumadii Halka meel Dalka looga talin jiray.

Cabdi Farax Juxa wuxuu bogaadiyey Go’aamada Xukuumadu qaadatay.

Xukuumada Puntland ayaa shalay oo Jamce ahayd waxay ku baaqday in la qabto Shirweyne Reer Puntland ay uga tashanayaan Aayahooda iyo kan Soomaaliya.

 

puntlandi.com

Garowe