Xaaf oo Villa Soomaaliya u hanjabay

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf oo la hadlayay Xildhibaanadiisa ayaa sheegay in Doorashada ka socota Dhuusamareeb ay la mid tahay tii Baasto oo kale.

“Kuwa wax dooranaya waa Kuwii Baasto Cadaado ku dooran jiray, ku Xigeenku waa kii, Galmudug Madaxweyne iyo Baarlamaan ayay leedahay” ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

Wuxuu kaloo yiri isagoo u hanjabaad Villa Soomaaliya “ Haka waantoobeen waxa ay wadaan hadii kale iyagaa kuraastooda loogu imaanayaa”.

Maanta oo Axada ayaa lagu wadaa in Dhuusamareeb ay ka dhacdo Madaxweyne lagu dooranayo Madaxweynihii Sadexaad oo Galmudug yeelato.

Puntlandi.com
Gaalkacyo