Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Deni oo isku mowqif ku ah Doorashada Soomaaliya 2020

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Axmed Islaam oo iminka Bosaso marti ugu ah Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa waxay isku aragti iyo isku go’aanba Ka yihiin Qaabka iyo nooca Doorasho ee Dalka ka dhacaysa dabayaaqada sanadkaan iyo bilowga Sanadka xiga.

Inkastoo labada dhinac aysan wali shaacin qaabka ay u wada arkaann inay noqoto Doorashada Soomaaliya hadana labada Masuul waxay ka siman yihiin in laga taqaluso Nidaamka 4.5 ee tobankii sano ee lasoo dhaafay ku jiray suuqa Siyaasada Soomaalida,

Kulan Albaabadu u xiran yihiin ayay wada yeelanayaan labada dhinac kasoo ay uga wada hadlayaan Arimo badan ø, sida ay Howlwadeenada Puntlandi ay xogta ku hayaan.

Sawirada hoos ka daawo
Puntlandi.com
Bosaso