Dhaxal Sugaha Abu Dhabi oo Indanusia u magacawdaybGudiga Dhismaha Caasimada Cusub ee Indanusia

Indonesia ayaa u magacowday Amiirka Dhaxal-sugaha Abu Dhabi Mohammed Bin Zayed Al Nahyan inuu gudoomiye u noqdo guddi kormeeraya dhismaha caasimada cusub oo Indsnuusiyavyeelan doonto, si Xukuumadu uga guurto Jakarta oo hada ah Caasimada Dalkaas.

Dhismayaal badan iyo culays dhanka Wadooyinka ah ayaa sababay in Dalku yeesheen Caasimada Cusub.

Madaxa fulinta ee SoftBank iyo asaasaha Shirkada Masayoshi iyo Raysal wasaarihii hore ee Ingiriiska Tony Blair ayaa sidoo kale ka mid noqon doona Gudi Dowlada Indanuusiya kala galin doona Dhismaha Caasimada cusub, sida ay sheegayso iskuduwaha wasaarada maalgashiga Indonesia.

Gudigaan wuxuu saamaxayaa in ay Caasimada cusub ay hesho Maalgashadayaal Caalami ah.

Sanadkaan dabayaaqadiisa ayaa la bilaabayaa Dhismaha Caasimada cusub oo laga dhisi doono Jasiirada Borneo island.

Puntlandi,com
Dubai