Siyaasiyiinta Mucaaradka oo ciqaabay Xaaf taageerayna Dhuusamareeb

Qaar kamid Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah Villa Soomaaliya isla markaasna Miisaan weyn leh ayaa waxay qaabsiyaasadeysan ay u ciqaabeen Madaxweynaha goonida taagan ee Galmudug Axmed Ducaale Xaaf.

Siyaasiyiintaan oo ay ka mid yihiin Axmed Macalin Fiqi, Mahad Salaad, Cabdiraxmaan Odowaa, Xasan Sheikh Maxamuud, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Shariif Sheikh Axmed ayaa waxay dhabarka u jeediyeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf oo ay hada is weyn isu hayaan Villa Soomaaliya.

Siyaasiyiintaan ayaa waxay Xaaf ku tilmaameen Nin aan hami Siyaasadeed lahayn, Oo aan la isku halayn Karin.

Sababta ay hada u ciqaabayaan ayaa waxay tahay maadaama uu horay uga tala diiday Masuuliyiintaan Xiliyadii isaga iyo Villa Soomaaliya ay is hayeen uuna ku degdegay Heshiiskii Muqdisho lagu keenay oo uu ku saxiixay in Dowlada Federaalku ay hogaamiso Doorashada Galmudug.

Siyaasiyiintaan Mucaaradka Villa Soomaaliya ah ayaa waxay badankoodu hada ku sugan yihiin Dhuusamareeb, Axmed Macalin Fiqi oo shalay gaaray Dhuusamareeb ayaa wuxuu yiri “Galmudug Way midaysan tahay waxaana u nimid oo idiin wadnaa Madaxweynihiina Cusub” oo uu ka waday Cabdiraxmaan Odowaa oo ah Musharaxa Madaxweynaha, hadalkaan Kasoo yeeray Fiqi ayaa wuxuu ku socdaa Xaaf wuxuuna u sheegay inuu kaligiis ku tahay waxa uu Xaafada Baraxley ee Magaalada Gaalkacyo uu ka wado hada, ayna taageersan yihiin Doorashada Dhuusamareeb.

Xaaf ayaa wuxuu hada caro ugu maqan yahay Xaafada Baraxley ee Magaalada Gaalkacyo isagoo ku goodinaya inuu dhisayo Maamul kasoo horjeedaa Kan Dhuusamareeb.

Puntlandi.com
Gaalkacyo