Safiirada NMdowga Yurub oo Baydhabo kula kulmay Madaxweynayaasha Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed

Midowga Yurub ayaa Kulan waxay maanta kulaleeyihiin Hogaamiyaasha Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed Magaalada Baydhabo, kulanka oo diirada lagu saarayo Arimaha Doorashada Soomaaliya 2020 iyo kaalmada uu Midowga Yurub siiyo Goboladaan.

Beesha Caalamka ayaa maalmahaan waxay wadeen wada tashi ku aadan Doorashada Soomaaliya ee 2020 waxayna horay u tageen Garowe iyo Kismaayo.

Maadaama ay Adag tahay in lavtago Jowhar ayaa Labadaan Masuul waxaa lagu wada balamiyey Baydhabo.

Labadaan Maamul Goboleed oo lagu tirinayo iney la fikir yihiin Villa Soomaaliya xaga Doorashada ayaa go’aankooda Doorashada waxaa lagu tilmaamay mid aan miisaan weyn ku fadhiyin maadaama ay faragalin ku hayaan Masuuliyiinta Ugu sareeya Xukuumada Federaalka.

Kulankaan waxaa kaloo loogawada hadlayaa kaalmada ay Midowga Yurub siiyaan Maamuladaan iyo Horumarinta Amaanka.

Sawirada hoos ka daawo