Musharax Odowaa oo ay galbinayaan Siyaasiyiinta Mucaaradka Villa Soomaaliya oo ka degay Dhuusamareeb

Cabdiraxmaan Odowaa oo kamid ah Musharixiinta Madaxweynaha Galmudug ayaa Galabta soverum loogusoo dhaweeyey Dhuusamareeb.

Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Mucaaradka ugu waaweyn ee Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Khayre ayaa kamid ah raga horkacaya Musharax Odowaa, waxaana Garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyey Shacab iyo Siyaasiyiin.

Odowaa oo horay usoo noqday Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumadii Xasan Sheikh ayaa wuxuu kamid yahay Musharixiinta ugu miisaanka culus, dhanka kalena waa Musharaxa ay waysan Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah Villa Soomaaliya.

Sawirada hoos ka daawo iyo soo dhaweyntiisii Dhuusamareeb.