Xog cusub — Xukuumada Federaalka oo lacagu ku bixisay in Baraha Bulshada iyo Saxaafada lagu baahiyo Barabogaanfo ka dhan ah Jubbaland

Waxaa wali muuqata in Dagaalkii Villa Doomaaliya iyo Kismaayo uu wali taagan yahay, Wariyayaal waxaa jira dhaqaale lagu siiyey iney baaritaan Borobogaando ka dhan ah Jubbaland.

Mid kamida Howlwadeenada Puntlandi.com iyo Asxaabtiisii ay Saxaafada kawada shaqeeyaan ayaa loo balan qaadey Dhaqaale joogto ah si ay u baahiyaan dacaayado iyo warar faalis ah oo ka dhan ah Jubbaland iyo siyaasiyiin Mucaarad ah.

Ololahaan waxaa lasoo Xilsaaray Dad aan u shaqayn Villa Soomaaliya oo ku sugan Muqdisho, kuwasoo Xiriir joogto ah laleh Villa Soomaaliya, waxayna u shaqeeyaan sida Sirdoonka oo kale si aan Rajadii usoo galin Villa Soomaaliya.

Waxaa loo badinayaa in Kharashaadkii ay Awal Dowlada ku bixin jirtay Baraha Bulshada si loo abuuro taageerayaal Nabad Iyo Nolol ah ay hada u wareejiyeen qaab cusub oo ah Dacaayado iyo Warar faaliso ah (Fake News).

Sida ay hada cadeynayaa Howlwadeenada Puntlandi.com waxaa jira iyana Siyaasiyiin la bartilmaamadeysanayo si looga baajiyo warar aan jirin, waxaadna maalmaha soo socda arki doontaan Warar iyo Dacaayado lagu baahinayo Baraha Bulshada iyo Website-hada qaarkood.
Macada in Puntland iyo Siyaasiyiintoodu aay qayb ka tahay balse waxaa naloo xaqiijiyey in Jubaland iyo Siyaasiyiintoodu ay qayb ka yihiin Dadka la Bartilmaamadeysanayo.

Howlwadeenada Puntlandi.com si cad ayay ugasoo horjeesteen iney Lacag dhaafsadaan Shaqadooda.

Puntlandi.com
Kismaayo