Madaxweyne Xaaf Oo taageero ka waayey Xaafadiisii Baraxley iyo Xildhibaanadii oo la dhaariyey

Madaxweynihii Xilku ka dhamaadey ee Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa maalmahaan wuxuu Xaafada Baraxley ee Magaalada Gaalkacyo uu ka waday olole ka dhan ah Shaqada ka socota Dhuusamareeb oo uu markii hore isagu ogolaadey bilowgeeda.

Qaylada kasoo yeertay Madaxweyne Xaaf ayaa noqotay mid uu taageero ku waayay, Sida ay xogta ku hayaan Puntlandi.com Odoyaasha Dhaqanka ee Koonfurta Mudug ayaa shalay waxay Madaxweyne Xaaf ku eedeeyeen inuu isagu Masuul ka ahaa Shaqada hada ka socota Dhuusamareeb uuna taageersanas, lana wada ogaa inuu heshiis la galay Xukuumada Federaalka isagoon Cidna ka tala galin, Odoyaal iyo Siyaasiyiinba, Mid kamida Odoyaadha oo Gaalkacyo ku sugan ayaa lagasoo xigtey inuu yiri Xaaf Galmudug uu iibsadey ayuu hada nagu wareerinayaa.

Waxaa hada muuqata in Xaaf looga awood batay isla Beeshiisa, uuna ku khasbay yahay inuu aqbalo Natiijada Heshiisyadii uu horay ula galay Villa Soomaaliya.

Dhuusamareeb waxaa hada lagu dhaariyey Xildhibaanada cusub ee Galmudug kuwasoo gaaraya 83 Xildhibaan, maanta oo Axada waxaa la filayaa inay Doortaan Gudoomiye u meel Gaar ah.

Sawirada hoose waa dhaarintii

Puntlandi.com
Gaalkacyo