Puntland oo guul ka gaartay la dagaalanka Burcad Badeedka

Sanadkii lasoo dhaafay wuxuu ahaa sanad aysan wax Burcad Badeednimo ah aysan ka dhicin Xeebaha apuntland taasna waxaa sababay Ciidamada Bada ee Puntland oovshaqadooda si wanaagsan u fuliyey.

Waxaa iyana aad u yaraaday Maraakiibta Jirifka sh ee Xadi jiray Malayga Biyeheena, waxaa sidaas yiri Xasan Xirsi Aaden oo ka Tirsan Ciidamada Ilaalinta Bada ee Puntland.

Xeer ilaaliyaha Puntland Maxamuud Xasan Aw-Cusmaan ayaa isna sheegey in Sanadkii tagay 2019 uusan jirin wax Kiis Burcad Badeed ah oo ka dhacay Puntland.

Dowlada Emaaraatka ayaa qayb weyn ka qaadatay ladagaalanka Burcad Badeedka iyo Argagixisada waana sababta keentay in Burcad Badeedka ay u qaxeen Koonfurta Soomaaliya.

Puntlandi.com
Garowe