Faahfaahin kulankii Dhexmaray Madaxweyne Deni iyo Safiirka Maraykanka oo ay weheliyaan Saraakiil Ciidan oo Maraykan ah

Kulanka ayaa wuxuu ka dhacay Magaalada Bosaso waxaana ugu muhiimsanaa oo uu ku saabsanaa Kaalmada Maraykanku siiyo Soomaaliya iyo Doorashada 2020.

Madaxweynaha Dowlada Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Bosaso wuxuu ku qaabilay Wafdi ka socda Maraykanka oo isugu jira Safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto iyo Saraakiil Ciidan.

Safarkaan ayaa wuxuu jawaab u ahaa cabasho ay Puntland u gudbisay Beesha Caalamka oo ay ku sheegeen in Tababarka Ciidanka Soomaaliya ay Beesha Caalamku Siiyaan uu ku egyahay oo qura Muqdisho Xili aysan Soomaali wali si fiican UG heshiin, Sidaas awgeed Puntland ay codsanayso in qaybtooda gooni loo diiyo.

Maraykanku waxay sheegeen hada inay laba jibaarayaan kaalmada ay u fifiyaan Puntland dhanka ka taageerida Amaanka iyobdhidmaha Ciidanka.

La dagaalanka Argagixisada ayaa laga wada hadlay iyadoo ay Puntland sheegtay in dhaqaalaha iyo qalabka loogu talagalay Soomaaliya inay kula dagaalanto Argagixisada ay Dowlada Federaalku u adeegsatay burburinta Maamul Goboleedyada si toosa iyo si Dadban, waxayna apuntland tusaale usoo qaadatay Doorashooyinka Koonfur Galbeed iyo Jubbaland iyo burburintii Galmudug.

Doorashada Soomaaliya ayaa iyana looga hadlay kulanka waxayna Puntland hoosta ka xariiqeen meesha ay ka taagan yihiin qaabka iyo nooca Doorasho ee ka dhici karta Soomaaliya Sanadka soo socda.

Sawirada hoos ka daawo

Puntlandi.com
Bosaso