Madaxweyne Xaaf “ Talaabaan ka qaadaynaa Kuwii soo saaray liiska Xildhibaanada aan jirin”

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa Warsaxaafadeed uu soo saaray oo uu ugasoo horjeedo Xildhibaanada ay Dowlada Federaalku ay shaaciyeen ayuu wuxuu raaciyey In ay talaabo ka qaadayaan Cidii ka dambeysay Liiska Xildhibaanada Cusub ee lasoo bandhigay.

Warsaxaafadeedka waxaa lagu sheegey in talada Galmudug ay ka go’do oo qura Madaxweynaha iyo Odoyaadha Dhaqanka Galmudug, Galmudug masiirkeeda kama hadli karaan Odoyaal been Abuur ah.

Qoraalkaan ayaa imaanaya kadib Markii ay Gudiga Doorashada Galmudug ee ay sameeyeen Xukuumada Federaalku ay shaaciyeen Xubnaha cusub ee Baarlamaanka.

Madaxweyne Xaaf oo iminka ku sugan Xaafada Baraxley ee Magaalada Gaalkacyo wuxuu maanta isugu yeeray Golihiisa Wasiirada, Talaabada xigta ee uu qaadayo ayuuna soovsaarayaa maanta oo sabti ah.

Hoos ka eeg Warsaxaafadeedka