Iraan oo shaacisay in Ciidamadeedu ay soo tiden Diyaaradii Rakaabka ee Ukraine oo ay ku dhinteen 170 ka Qof

Iiraan ayaa ku dhawaaqday in ciidankeeda “si ula kac ah” ay u toogteen diyaaradda reer Yukreeniyaan ee Arbacadii ku burburtay Meel aan ka fogayn Garoonka Diyaaradaha Tehraan, halkaasna ay ku dhinteen 176 qof oo saarnaa diyaaradda.

Qoraalka subaxnimadii Sabtida ayaa lagu eedeeyey Qolyaha Diyaarada haga inay marin habaabiyay Diyaaradii Flight 752 ,sidaas awgeed ay Diyaarada martay Goob Diyaaraha manuuc ka ah sidaas awgeed Ciidanku waxay u qaateen Diyaarad Cadow.

Press TV ayaa sidoo kale soo xigatay Saraakiisha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Iran iyaga oo sheegaya in diyaaradda ay ku duushay meel u dhow “goob milatari xasaasi ah”.

Ciidamada Iraan qoraalkooda waxay kaloo ku muujiyeen inay ka xun yihiin falkaan, baaritaan buuxaan ay damaynayaan.

Iraan horay ayay u beenisay in Diyaarada Gantaal lagu dhuftay kadib markii Maraykanka iyo Canada ay sheegeen iney hayaan Macluumaad muujinaya in Diyaarada lasoo riday.

Dadka Diyaarada Saaraa waxay u badnaayeen Dad Reer Canada ah laakiin Asal ahaan kasoo jeeda Iiraan,Dad wax bartay iyo Arday iyo Qoysaskoodii ayaa ku rogmaday Weerarkaan.

Wadamada Reer Galbeedka ayaa shalay waxay soo saareen Digniin ay Shacabkoodabuga Digayaann inaysan u dhoofin Iiraan.

Soomaalida Sidii kale waa inay ka foojugnaadaan Diyaaradaha Dul maraya Iiraan, Sababtoo ah xaaladu hada EAA khatar Hawada Iiraan.

Puntlandi.com