Breaking News—- Xog ku saabsan Heshiis dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Abiye Ahmed

Ila Dublamaasiyadeed ayaa Mid kamida howlwadeenada Puntlandi.com wuxuu la wadaagay Xogo ku saabsan Sababta ay saaxiibka dhow u noqdey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya iyo Raysal wasaare Abiy Ahmed , inkastoo aysan hada sidii hore u wada socon labada Masuul.

Labada Masuul waxay ku heshiiyeen arin labadooduba ay aamin San yihiin Siyaasad ahaan arintaasoo ah In la burburiyo Nidaamka Federaalka si Wadamada Afrikada bari ay u yeeshaan Dowlado Dhexe oo Shacabka hal meel laga Xukumo, Xukuumadahunaa ay noqdaan kuwo gacanta ku haya Awooda.

Xogtu waxay sheegaysaa in ay jiraan Siyaasiyiin Soomaali ah oo Raysal wasaare Abiye ka codsadey Inay Madaxweyne Farmaajo uu ka caawiye Qorshahaan, taasi waxay ka dhigan tahay in Arinta ay ka weyntahay Madaxweyne Farmaajo oo ay jiraann koxo Federaal Diid ah oo daaha Farmaajo gadaashiisa fadhiya .

Raysal wasaare Abiye wuxuu Madaxweyne Farmaajo ka balan qaadey inuu ka caawinayo qaabka loo birburinayo Maamul Goboleedyada Soomaaliya, iyadoo laga bilaabayo kuwa Awooda yar.

Waxaa jira Janeraal Itoobiyaan ah oo ku sugan Soomaaliya kasoo loo xilsaaray inuu Madaxweyne Farmaajo ka caawiyo wuxuu u baahdo.

Ilo Dublamaasiyadeed oo siyaabo kala duwan aan arintaan u waydiinay waxay noo xaqiijiyeen in xogtaan ay jirto laakiin hada ay labada Masuul kala boodsan yihiin, kala boodidaas waxaa loo aanaynayaa inuu Madaxweyne Farmaajo ku guul daraystay Balantii uuna dhoniciisa fulin waayay Waxyaabihii ay wada galeen isaga iyo Abiye Ahmed, waxaa tusaale loosoo qaatay guul daradii Doorashada Jubbaland uu kala kulmay Madaxweyne Farmaajo.

Xogta waxaa kaloo ka mid ah in Kenya ay caqabad ku noqotay in Madaxweyne Farmaajo uu burburiyo Maamul Goboleedyada,Waxaana loo badinayaa in Kenya a ka war heysay Qorshaha Siyaasadeed ee Hogaamiyaasha Adis iyo Muqdisho, waana tan Keentay in Kenya ay cadeysato taageerada ay u heyso Jubbaland si ay Fariin ugu dirto Adis Ababa iyadoo Adeegsaneysa qaab Siyaasadeysan.

Raysal wasaare Abiye Ahmed wuxuu isagu Burburinta Nidaamka Federaalka ee Dalkiisa uu u marayaa qaab dublamaasiyadaysan, Siyaasiyiinta ay Isku Haybta yihiin ee Oramada ayaa hada si weyn u dhaliilsan qaab siyaasadeedkiisa laakiin ma ay oga Siyaasiyiinta Oramada Qorshaha Abiy Ahmed ee ah inuu ka taqaluso Nidaamka Federaalka.

Puntland ayaa dhowr jeer waxay ku celeliyeen in Villa Soomaaiya ay ku shaqaynayay qaab Federaal diid ah.

Puntlandi.com
Nairobi