Wadamada Reer Galbeedka oo shacabkoodabuga digay iney u dhoofay Iiraan, Maxay tahay sababtu

Inta badan Wadamada Yurub waxay Digniin u direen Shacabkoodabwaxayna uga digeen iney u dhigaan Iiraan.

Sababta Digniintaan loo soo saaray shaqo kuma laha Dilkii Janaraal Sulaymaani iyo Cabdsi laga qabo weerar Iiraan Soo qaado laakiin Digniintaan waxay timid ka dib Markii Dalka Ukraine uu sheegey iney Jiraan Shakiyo Muujinaya in Gantaal lagu dhuftay Diyaaradoodii Rakaabka ee Arbacadii ku burburtay Meel aan ka fogayn Garoonka Diyaaradaha, Diyaarada Dadka ku geeriyooday waxay u badnaayeen Canadian, waxaana ku dhintay in labadaan 170 Qof.

Iraan waxay sheegtay iney soo dhaweynaya in qubaro Caalami ah ay ka qayb qaataan baaritaanka sababta ay Diyaaradu u dhacdey, waxayna Iiraan ku adkeysanayaan in Cilad farsamo ay u burburtay Diyaaradu.

Warar waxaa jira sheegaya in Diyaarada ay saaraayeen Iiraaniyiin badan oo dhalasho Reer Galbeed ah wata oo u badan Canadian.

Puntlandi.com
Garowe