Madaxweyne Farmaajo oo Casmara u aadey inuu Heshiisiiyo Qatar iyo Eritrea

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u safray Dalka Erritrea, Sida ay xogta ku heleen Howlwadeenada Warbaahinta Puntlandi.com wuxuu safarka Madaxweynuhu ku saabsan yahay ukala dabqaadidi Casmara iyo Doha.

Dublamaasi ka tirsan Wasaarada Arimaha Dibada Dowlada Federaalka ayaa Puntlandi.com xogtaan siiyay.

Eritrea ayaa bishii hore waxay Qatar ku eedeysay inay taageerto kooxda Argagixiso ah oo dilal iyo weeraro ka geysta Gudaha Eritrea, mana aha markii u horaysay oo Qatar lagu eedeeyo iney taageerto ama abuurto kooxda Argagixiso ah, mudo dheer ayaa lagu eedeynayay iney taageeraan Argagixisada Soomaalida Xasuuqa.

Dhanka kalena Madaxweyne Farmaajo wuxuu ka waan waanaynayaa Xurgufta Eritrea iyo Qatar xili uu ku guul daraystay inuu xaliyo Khilaafka isaga iyo Maamul Goboleedyadiisau dhexeeya.

Puntlandi.com
Muqdisho