Sheikh Shariif oo maanta la kulmay Ergayga Gaarka ah ee QM

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyobJames Swan Ergayga Gaarka ah ee QaramadavMidoobay ayaa waxay kulan ka yeesheen XaaladacSoomaaliya.

Kulanka ayaa Madaxweyne Shariif wuxuu hoosta ka xariiqay in Xaalada Siyaasadeed ee hada aysan wanaagsanayn isagoo raacshay in aysan xitaa jirin is aaminaad.

Kulankii dhex maray isaga iyo Madaxweyne Farmaajo ayuu ku wargaliyey Ergayga Gaarka ah in dhankooda Mucaarad ahaan ay Diyaarvu ahaayeen Wadahadal iyo isfaham laga gaaro Arimaha Siyaasada iyo qaabka la isugu diyaarinayo Doorashada Laakiin Dhanka Xukuumada ayuu quus ka Muujiyey.

James Sean ayaa maalmahaan bilaabay wada tashi uu la samaynayo Saamilayda Siyaasada Soomaaliya.


Puntlandi.com
Garowe