Puntland iyo Emaraatk Cidna kama dhex faa”iideysan karto

Dublamaasi ka tirsan Wasaarada Arimaha Dibada Emaraatka ayaa sheegey in Mandaqada Puntland iyo Dalka Emaraatka uu xiriirkoodu yahay mid aan cidna carqaladeyn karin ama aysan cidna ka dhex faa’iideysan karin.

Xiriirka Soomaaliya iyo Emaraatku wuxuu ka bilowday Puntland, waxaa sidaas noo sheegay Awoowayaashayo, Waxaan leenahay Xiriir taariikhi ah oo ku salaysan Ganacsiga iyo Walaaltinimo kumayaal Kasoo jeeda Puntland baa Dalkaan sal dhigay oo degan, maantana ah muwaadiniin, qaarkood taariikh iyo Magac ku leh Emaaraatka, Waxaa Sidaas yiri adublamaasi sare oo ka tirsan Wasaarada Arimaha Dibada Emaraatka.

Xiriirka Soomaaliya iyo Emaraatku wuxuu xumaadey markay Xilka la wareegeen Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal Wasaare Kheyre laakiin Emaraatku waxay ka dheragsanaayeen Siyaasada Soomaaliya oo waxay ogaayeen in Xiligaan aysan Jirin Dowlad Dhexe oo Soomaali wada Aamin San tahay amaba Xukuumad Dhexe oo matali karta Shacabka Soomaaliyeed iyagoona taas ka duulaya ayay go’aan sadeen in Xiriir xumada Muqdisho iyo Abu Dhabi aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin Xiriirka Emaraatka iyoPuntland iyo waliba Soomaaliland.

Madaxweynaha Puntland oo todobaadkaan booqdey Emaraatka wuxuu guul shaqo kasoo gaaray safarkiisa Emaraatka, waxayna Tani muujinaysaa in Xiriirka Garowe iyo Abu Dhabi uu yahay mid xididaystay oo aan cidna is hortaagi karin.

Ugu yaraan 5 Mashruuc oo waaweyn oo ka dhashay Safarka Madaxweynaha iyo qaar horay u socday ayay Emaraatku saameyn ku leeyihiin, badankoodana iyagaa maalgalinaya,waxayna Tani muujinaysaa ama xoogaynaysaa hadalka kasoo yeeray Dublamaasiga aan kor ku xusnay inuu yahay hadal qodo dheer oo xaqiiq ah.

Shacbiga Puntland ayaa looga fadhiyaa inay ka faa’iideystaan Xiriirkaad wanaagsan ee labada dhinac ka dhexeeya.

Puntlandi.com
Dubai