Ciidamada Itoobiya oo gabi ahaan la wareegay gacan ku heynta Dhuusamareeb

Kadib mudo 11 Sano ah oo Ehlu Sunna Waljameeca ay gacanta ku hayeen Magaalada Dhuusamareeb Waxaa saaka si buuxda ula wareegay Magaalada Ciidamada Itoobiya iyadoon la garaneyn sababta ay Ciidamo shisheeye ula wareegaan Gacan ku heynta Dhuusamareen oo ahayd Magaalo degan aysana Al-Shabaab soo haweysan karin,

Inkastoo Warbaahinta Puntlandi.com ay horey u shaacisay Sababta ka dambeysa hadana Shacabka Deegaanku aad ayay ugu Jaha dareeraan yihiin sababta uu Madaxweyne Farmaajo uu ugu soo diray Ciidamadaan Itoobiya.

Waxay saaka si toosa ula wareegeen Xarunaha Dowlada iyo Garoonka Diyaaradaha, Ciidamadii horey looga keenay Muqdisho oo goobahaas joogay iyagu Way baneeyeen oo kuwa Itoobiya ayay ku wareejiyeen.

Puntlandi.com
Gaalkacyo