Breaking News— Kulan Nairobi uga socda Madaxweyne Deni, Axmed Madoobe , Saraakiil DF iyo Saarkiil Kenyan ah

Magaalada Nairobi waxaa iminka oo Isniin ah uu kulan uga socdaa Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland iyo Saraakiil ka socda Villa Soomaaliya iyo kuwo Kenyan ah.

Wadahadalka ayaa wuxuu ku saabsan yahay Amaanka Guud ee Jubbaland ,Saameynta Ciidamada Itoobiya iyo Gudoomiyayaasha 3 Degmo ee ku xiran Gudaha Itoobiya.

Warar waxaa jira sheegaya in dhanka Villa Soomaaliya uu ka socdo Fahad Yaasiin laakiin Howlwadeenada Puntlandi.com ee Nairobi wali ma xaqiijin xogtaan.

Wixii Faahfaahin ah kala soco wararkayaga dambe.

Puntlandi.com
Nairobi