Cali Maxamed Geedi oo taageeray in Dalka ay ka dhici karto Doorasho Xor ah oo Shacabku Codka bixiyaan, weeararna ku qaadey Hogaamiyaasha Mucaaradka

Raysal wasaaruhu hore ee Soomaaliya iminkana ah Madaxa Xisbiga Wadaniga Soomaaliyeed Mudane Cali Maxamed Geedi ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay wuxuu uga hadlay kulankii Sabtida dhexmaray Xisbiyada Siyaasada qaarkood iyo Madaxweyne Farmaajo.

Geedi wuxuu sheegay in Xisbiyada ay kawada hadleen kulanka ayna soo jeediyeen in Dalka ay kadhici karto Doorasho Xor ah oo Shacabkuna doortaan, hadalka Geedi wuxuu sitoosa uga hor imaanayaa Hadaladii ay horey ugu hedleen Hogaamiyayaasha Xisbiyada qaarkood sida Xasan sheikh, Shariif Sheikh Ahned iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur kuwasoo dhowr jeer sheegay in Wakhtiga u harsan Xukuumada iyo in la qabto Doorasho Xor ah oo Shacabku ay wax doortaan aysan iswaafaqsaneyn aysana marnaba Macquul ahayn in la dhamaystiro wakhtigaas harver harsan tiirarka u baahan in la taago si Shacabku ay ugu dareeraan Doorasho sida, Amaanka cod bixiyaasha, Diiwaan galinta Shacabka, in Sanduuqyada Doorashada la gaarsiin karo Guud ahaan Dalka xitaa meelaha Al-Shabaab heystaan.

Raysal wasaaruhii hore Cali Maxamed Geedi wuxuu dhanka kale weeraray qaarkamida Hogaamiyaasha Xisbiyada, Oo ku tilmaamey iney kasoo hor jeedaan in Doorasho One men One Vote ah ay Dalka ka dhacdo sidaas awgeed ay Shacabka Jaha wareerinayaan.

Laakiin Raysal wasaaraha hore ma uusan sharixin qaabka ay u dhacayso Doorashada Xorta ah ee One men One Vote, qaabka loo waafajinayo xiliga yar ee u harsan Xukuumada.

Puntlandi.com
Muqdisho