Dhismihii Maamulka cusub ee Galmudug oo wali buuuq ka taagan yahay iyo DF oo quus ku dhow

Wararka ay Warbaahinta Puntlandi.com ay ka helayso Dhuusamareeb iyo Cadaado waxay sheegayaan in Buuq Siyaasadeed uu wali ka taagan yahay qaabkii loosoo dhisi lahaa Galmudug cusub kadib markii ay Xukuumada Federaalku ay kala direen Maamulkii Madaxweyne Xaaf.

Wali waxaa muran ka taagan yahay qaabka loo qancinayo Ehlu Suna, Xukuumada Federaalkuna waxay doonayaan in Heshiis cusub ay wada galaan isla markaasna Heshiisyadii hore qashinka lagu daro, balse Ehlu Suna Waljameeca Way kasoo hor jeedaan arintaan, waxayna ku adkeysanayaan Heshiiskii hore.

Dowlada Federaalku waxay wiiqeen cududii Ciidamada Ehlu Duna, waxay kala wareegeen gacan ku heynta Dhuusamareeb iyo Deegaanka kale tasaana keentay in Villa Soomaaliya ay waxaa badalaan amaba qashinka ku wada daraan Heshiiskii ay horay ula galeen Masuuliyiinta Ehlu Sunna.

Laakiin sida muuqata Way ku adagtahay Xukuumada Federaalka inay qashinka kubdaraan Heshiiskaas taas badalkeedase waxaa u furan inay heshiis cusub la saxiixdaan, Ehlu Sinne se Mao Golaha Heshiis cusub, waana carqalada haysata hada Villa Soomaaliya.

Heshiiska muranku kantaagan yahay waxaa la isku hayaa Qodobka siinaya Ehlu Sunna 35 kursi Baarlamaanka cusub ee Galmudug, waxaana Heshiiskaan loo gudbiyey Beesha Caalamka sidaas Awgeed waa laga warwareegayaa in la burburiyo iyadoon wax kale lagu badalin.

Xaalada Galmudug waxay hada yeelatay waji cusub, walina waa la iska daba wareegayaa, Xukuumada Federaalku waxay hada ku mashquulsan yihiin iney meel saaraan Ehlu Sunna, Reer Cadaado oo iyana wali Caraysan waxay ku sugayaan Cadaado.

Siyaasiyiin kasoo jeeda Koonfurta Mudug oo iyana aan wali lala hadlin ayaa sugaya in loo yeero kuwasoo hada ku sugan Xaafada Baraxley ee Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynihii Sharciga ahaa ee Galmudug Axmed Ducaale Xaaf waxaa la dajiyey Hotel ku yaal Muqdisho, wax talo ahna kuma leh howlaha hada ka socda Mooradiisii.

Puntlandi.com
Gaalkacyo