Breaking News —Ciidamada Itoobiya oo gabi ahaan ka baxaya Jubbaland

The Kenya Defence Forces (KDF) Army Commander, Lt. General Leonard Ngondi meets with Interim Jubbaland President, Ahmed Madobe during his visit to Kismayo, Somalia on 28 August, 2015. AMISOM Photo/ Awil Abukar

Warar hoose oo Warbaahinta Puntlandi.com ay heleen ayaa sheegaya in codsi kayimid Jubbaland uu hirgali doono dhowaan, Codsigaas oo ahaa in Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Jubbaland loo wareejiyo Koonfur Galbeed iyo Hirshabeele.

Safarka Madaxweyne Axmed Madoobe uu ku joogo Nairobi ayuu durba ka gaaray guul ku aadan in Cidsiga Jubbaland la dhagayso loona dhaga nuglaado. Siyaasiyiin Kenyan iyo Itoobiyaan ah balse Asal ahaan Soomaali ku abtirsada ayaa qayb ka ah in la dhagaysto Codsiga Jubbaland .

Masuul Kenyan ah ayaa wuxuu yiri..

  • Jubbaland waxay diyaar u tahay inay la dagaasho Al-Shabaab, diyaar uma ahan in khalkhal Siyaasadeed la galiyo Deegaanada Jubbaland, taasi waxay gacan siinaysaa Argagixisada waxay wax u dhimaysaa Abaabulka Jubbaland ee ladagaalanka Argagixisada.

Lama shaacin cida bixinaysa booska ay baneeyaan Ciidamada Itoobiya balse waxay u muuqataa in Madaxweyne Axmed Madoobe uu jeebka ku Wato Qorshe ku aadan Ciidanka buuxinaya booska Itoobiya.

Jubbaland ayaa kalsoonidii kala noqotay Ciidanka Itoobiya ka dib markii dhowr jeer loo adeegsadey howlgalo ka dhan ah Jubbaland oo ay ka dambeysay Villa Soomaaliya, Ciidamada Itoobiya waxay bishii hore Xabsi u taxaabeen oo iminka Itooboya gudeheeda ku Xiran Sadex Gudoomiye Degmo oo Reer Gedo ah kadib codsi uga yimid Villa Soomaaliya, waana Arinta ka xanaajisay Jubbaland.

Itoobiya iyo Dowlada Federaalku wali si rasmi ah ugama hadal eedeyntaan.

 

Puntlandi.cim

Nairobo