Roobab waxyeelay Wadooyinka Gobolka Gardafuu, Shacab ku xayiran deegaankaas

Roobab xoogan oo ku hooray Gobolka Gardafuu ayaa waxyeeloobay u geystay isusocodkii Deegaankaas tasoo sababtay in Deegaanada qaar ay go’doon ka yihiin Puntland interface kale, dhinaca Bada xitaa Way Adag tahay in la maro waayo Badu Way kacsan tahay.

Wadada caanka ah ee laga galo Gobolka Gardafuu, waa wadada Lafagoray ayaa burburtay, Waxayna sababtay in Deegaan badan aan lagali Karin.

Xildhibaanada kasoo jeeda Deegaanka ayaa warbixin ay siiyeen Baarlamaanka waxay sheegeen in Shacabka Gobolku ay ubaahan yihiin Gargaar deg deg ah.

Xukuumadu wali kama hadlin Cidsiga kasoo yeeray Gobolka Gardafuu ookamid ah Gobolada Cagaaran caankana ku ah Deegaanka Qurxoon iyo Dhul cagaaran oo xeebeedna ah.

Madaxweyne Xigeenka Puntland oo iminka Kusimaha Madaxweynaha wax hadal ah oo ku saabsan Gobolka lagama hayo, Wasiirada ay qusayso sidii kale.

Puntlandi.com
Bosaso