Madaxweyne Axmed Madoobe oo u duulay Kenya , Casumaad uu ka helay Kenya

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa safar ugu baxay Dalka Kenya kadib markii uu Casumaad ka helay Dowlada Kenya, waxaa sidaas Puntlandi.com u xaqiijiyey Madaxtooyada Jubbaland.

Madaxweyne Madoobe safarkiisaan ayaa noqonayaa kiisii ugu horeeyey tan iyo markii dib loo doortay bishii Ogoosto.

Xukuumada Federaalka oo dhowr jeer oo hore ku dhawaaqay ineysan aqoonsaneyn Maamulka Jubbaland iyo Heshiiskii Laba todobaad ka hor dhex maray Farmaajo iyo Uhuru Ayaan wali ka hadlin Safarka Axmed Madoobe ee Nairobi.

Madaxweyne Axmed ayaa laguwadaa inuu Dowlada Kenya kala hadlo Amaanka Xuduuda Kenya iyo Soomaaliya iyo Xaalada Gobolka Gedo.

Puntlandi.com
Kismaayo