Indha adkaa “ Gudiga Doorashada oo wali ku adkeysanaya in ay qabanayaan Doorasho Qof iyo Cod ah ayna diiwaan galin bilaabayaan”

Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Soomaaliya Xaliimo Ismaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) waxay kusoo celcelisay oo ay wali aaminsantahay in Dalka ay ka dhici karto Doorasho xor ah oo ay Dadku u dareeraan iney cod baxshaan (One men One Vote ) Taasoo aan haba yaraatee suuragal ka ahayn Soomaaliya xiligaan.

Waxay taas ku darsadeen Gudiga Doorashadu iney Baarlamaanka ku cadaadiyaan iney ansixiyaan Sharciga Doorashada ee qeexaya in Dalka laga qabto Doorasho Xor ah oo Dadku codeeyaan isla markaasna Sharcigaan wuxuu u fasaxayaa Gudigaan iney bilaabaan Diiwaan galinta Codbixiyaasha.

Yaa weeye Codbixiyaasha ay doonayso Xaliima Yarey iney diiwaan galineyso

Way fudud tahay in la Diiwaan galiyo Shacabka ku nool Puntland, Kismaayo, Baydhabo iyo Shacabkabka ku teedsan Wadada Make Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho, Soomaaliland iyana waa la Diiwaan galin karaa laakiin Xaliima ma ay awoodaa iney Hargeysa ka furato Xafiiska Diiwaan galinta, Jawaabtu waa MAYA.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Deegaanada kale ee baaxada weyn Lama diiwaan galin karo waayo Al-Shabaab ayaa ka Taliyaha deegaanadaas badankooda , inta kalena Saameyn ayay ku leeyihiin Sida Magaalada Muqdisho.hadii la isku dayo in si hoose loo Diiwaan galiyo waxaa khatar la galinayaa Amaankooda, oo waynu wada naqaan habdhaqanka Al-Shabaab.

Hadii Deegaanada Amaanka ah Sida Puntland, Kismaayo iyo Baydhabo la Diiwaan galiyo Ma dhacaysaa Doorasho ay musharixiintu u siman yihiin, Jawaabtu waa MAYA.

Hadaba yay doonayaan inay Diiwaan galiyaan Gudiga Doorashadu, Mase yihiin Gudigu Gudi Madax banaan sida ku cad magacooda

Xisbiyada Siyaasada iyo Maamul Goboleedyadu kuma kalsoona Gudiga hada jira ee ay hogaamiso Xaliimo Ismaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey), waayo waxay u arkaan iney yihiin Gudi ay gacanta ku hayaan Villa Soomaaliya, Si toosa iyo si dadbanba.

Sharciga hada horyaal Baarlamaanka ee ay Gudiga iyo Xukuumadu ku ordayaan in la Ansixiyo waa mid aan haba yaraatee ka turjumeyn Xaqiiqda ka jirta Dalka, waa mid u xaglinaya Dad gaara, Tusaale Waxaa kuugu filan in Sharcigaan uu qeexayo in Doorashada 2020 ay noqoto mid Dadku ay Doorasho u dareeraan, isla markaasna ay Gudiga Doorashadu ay diiwaan galiyaan cod bixiyaasha.

Yaa la Diiwaan Galinayaa oo wax dooran doona

Qorshaha socda waa mid aan daah ku qarsooneyn, Gudiga Doorashadu waxay qorsheynayaan in Deegaanada qaarkood laga Diiwaan galiyo Dad gaara (Tiro lagu heshiiyey) Dadkaasi waa kuwa Uu Madaxweyne Farmaajo noo sheegay oo ah Xoogaga Wadaniyiinta, kooxdaan deegaan walba iyo Qabiil walba waa laga helayaa mase aha tiro badan.

Ogowna Villa Soomaaliya sanad ka hor ayay bilaabeen iney Diiwaan gashadaan Xoogaga Wadaniyiinta Soomaaliyeed, Gaalkacyo ilaa Bosaso , Hargeysa ilaa Borame Waa laga helayaa, waa kuwaas Cod bixiyaasha ay Xaliima Yarey ku andacooneyso iney Diiwaan galinayso.

* Marka Doorasho xor ah oo Musharixiintu u siman yihiin ma dhacaysaa hadii Xaliima Yarey ay shaqada sii wado?

* Kheyre, Farmaajo iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ma u sinaanayaan Codka, Cod bixiyaasha ay Gudigaan Doorashadu ay Diiwaan galiyaan?

Puntlandi.com
Garowe