Daawo : – Warbaahinta oo beeneysay warkii Madaxweynaha Hirshabeele ee ahaa Garoonka Baladweyne Biyo ayaa fadhiya oo waa khatar

Madaweynaha Maamulka Hirshabeele Mudane Maxamed Cabdi Awaare ayaa goor sii horeysay oo maanta ah difaacay in is-hortaagii lagu sameeyey Madaxda Midowga Madasha Xisbiyada Siyaasadeed, isgoo sabab uga dhigay in nabadgalyada rakaabka iyo diyaaradahu halis gali karaan xaalada Garoonka Baladweyne oo aan fiicneyn awgeed, isla markaana ay biyo fadhiyaan dhabada ama Run way-ga ay Diyaaraduhu ka hadaan ama ku soo degaan.

Lakiin waxaa warkaas Madaxweynaha Hirshabeele waxba kama jiraan ku tilmaayay Wariyayaashii iyo Warbaahintii Madaxbanaaneyd la socday Wafdigii ka dhoofay magaalada Muqdisho iyo Warayayaashii ku sugnaa Garoonka Baladweyne.

Warbaahinta ayaa soo bandhigtay oo baahisay muqaalo muujinaya Xalaada bed-qabka ah ee uu ku sugnaa Madaarka Baldweyne, taas oo u saamaxeysay in Diyaaraduhu si nabadgalyo ah ugu soo degi kareen Garoonka Dayaaradaha ee Baladweyne.

Madaxweynaha Hirshabeele ayaa hadalkiisu u muqdaa mid lagu qasbay oo cudurdaar loogu raadinyo falkii sharci darada ahaa ee lagu horjoogsaday madaxdii Madasha ee safarka u ahaa magaalada Baladweyne

Halkan ka fiirso Warbixinta Warbaahinta