Daawo Breaking News Shir Jaraa’id Madasha Midowga Xisbiyada : – ” Ex-Madaxweyne Sheekh Shariif oo 3 jeer ku dhaartay Wallaahi in ay Xoog Muqdisho uga saari donaan Xukuumada Farmaajo iyo Kheyre haddii aanay sharciga dhawrin “

Shir jaraa’id oo deg dega ahaa oo caawa oo ay c qabteen ku qabteen magaalada Muqdisho hogaanka sare ee Madasha Midowga Xisbiyada Sitaasadeed ee Dalku ayey kaga warameen safarkooduu gurmadks Fadtahaada Wabiga ee ay maanta ku tageen magaalada Baladweyne iyo is-hortaagii iyo Arbushaadii sharci darada aheyd ee Madaxada Dalku u geysteen safarkoodii.

Ugu horeyn Madaxweynihii hore ee Dalka mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay shirkaa warbaahineed ee caawa ayaa si adag u sheegay in talaabooyinkii Xukuumadu ay saaka isku hortaagtay safarkii Biniaadanimo ee ay ugu bixi rabeen Baladweyne ay eheyd talaabo Edeb daro, Been abuur iyo Sharci daro ah.

Sidoo kale Hogaamiyaha Madasha Midowga Xisbiyada Soyaasadeed ahaana Madaxweynihii hore ee Dalka Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo laga dheehan karo dareenkiisa carada xoogga leh ee uu ka qaaday is-hortaagii mudada gaaban socday ee Xukuumada Federaalka Somaaliyeed saaka isku dayday in ku carqaladeyso safarka Madaxada Madashu ugu kicitimi lacaayeen magaalaga Baladweyne ayaa qadar 3 jeer ah ku dhaartay, oo ku soo celceliyey in ay Xukumada Madaxweyne Farmaajo si xooga ah uga saari donaan Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, haddii ay ilaalin waayaan Dastuurka iyo Sharciga Dalka.

Madaxweyne Hore Sheekh Shariif baa yiri 3 jeer ” Thuma Walaahi Xoogg baanu ku saari donaa, haddii ay Sharciga ka gudbaan, isagoo tusaale u soo qaatay in aanay Xukuumada Farmaajo iyo Kheyre ka Xoog rooneyn Moryaantii iyo Shabaabkii Magaalada Xamar la cayriyey.

Halkan ka daawo Shirka Jaraa’id