Maamulka G. Diyaaradaha Aaden Cade oo ay beenowday daliishoodii ay ku hor istaageen Sheikh Shariif iyo Xan Sheikh, iyo iyagoo gaaray Baledweyne

Saaka waxaa Garoonka Diyaaradaha Smuqdisho lagu hor istaagay mar kale Madaxweynihii hore Sheikh Shariif oo uu marakan weheliyey Madaxweynihii hore Xasan Sheikh xili ay u safro lahaayeen Baledweyne, Maamulka Garoonka Diyaaraduhu waxay sheegeen in Garoonkii ay Diyaaradu ku degi lahayd Baledweyne ay Roobab badan oo Xalay hooray ay Biyo dhigeen sidaas awgeed ay Garoonkii Biyo Fadhiyaan.

Goor dhaweyd ayay caga dhigatay Diyaaradii Sadey Hogaamiyaasha Xisbiyada iyo Deeq ay sadeen, waxaa kaloo canaantay in Garoonka Diyaaradha Baledweyne aysan Wax Biyo ah aysan fadhiyin.

Hadaba is hortasgidii la is hortagay Madaxda Mucaaradka ee maanta ka dhacdey Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa u muuqata mid Siyaasadeed. Walina Masuuliyiinta la hor istaagay kama aysan hadal.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo Qoraal yar ku cabiray arintaan ayaa wuxuu ku tilmaamey Nasiib daro iyo masuuliyad daro qaabka loola dhaamdey Madaxda.

Hoos ka daawo qaabkii Baledweyne loogusoo dhaweeyey Xasan Sheikh iyo Sheikh Shariif

Puntlandi.com
Baledweyne