Madaxweyne Deni oo Xafiiskiisa ku qaabilay Suldaan Saciid Suldaan Cabdisalaaam iyo Nabadoono

Suldaan Saciid Suldaan Cabdisalaam iyo Nabadoono ayaa maanta waxay Booqdey Xarunta Madaxtooyada Puntland halkasoo ay ku balan sanaayeen ayna la kulmeen Madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni ayaa si diiran usoo dhaweyey Suldaanka iyo Masuuliyiinta la socdey waxayna ka wada hadleen Shaqaaqadii ka dhacdey Xarunta Baarlamaankav Puntland.

Kulanka oo is afgarad ku dhamaadey waxay Masuuliyiinta isku raaceen in lagawada shaqeeyo Amaanka iyo kala dambeynta.

Sida ay xogta ku hayaan Howlwadeenada Puntlandi.com Duldaanka Guud ee Sanaag/Haylaan Suldaan Saciid iyo Madaxweynuhu mudo saacad ah ayaa kulankooda socdey kulanka oo aan Saxaafada loosoo bandhigin .

Labada dhinac waxay isla meel dhigeen iney jiraan kooxo awalba u adeegsatay Soomaaliland iney hada iska dhigayaan Dad Reer Puntland ah oo caraysan kuwasoo Dadka qaldaya.

Wixii Faahfaahin ah kala soco Warbaahinta Puntlandi.com

Puntlandi.com
Garowe