Xasan Sheikh iyo Sheikh Shariif oo Baledweyne kusii jeeda

Inkastoo uu hakad galay Safar ay saaka ku Adi lahaayeen Baledweyne Madaxda Xisbiyada Mucaaradku hadana waxaa la qorsheynayaa iney gaaraan Baledweyne.

Madaxweynayaashii hore Xasan Sheikh iyo Sheikh Shariif ayaa saaka waxay u duuli lahaayeen. Baledweyne laakiin Maamulka Garoonka ayaa baajiyey Dayuuradii qaado lahayd Masuuliyiinta.

Maamulka Gobolku wuxuu sheegay in Roobab ka da’ay Baledweyne ay Xireen Garoonka Diyaaradaha laakiin Dhanka Masuuliyiinta wax wara kama soo bixin sababta ay ugu xayirmeen Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Wafdi Balaaran oo Xasan Sheikh iyo Sheikh Shariif Hagaaminayaan ayaa goor dhaweyd waxay u duuleen Baledweyne.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horay u tagay Baledweyne waxaa isna Gobolka gaaray Shalay Raysal wasaare Kheyre.

Puntlandi.com
Muqdisho