Xafiiska Madaxweyne Xigeenka Puntland oo beeniyey Warar laga baahiyey

Xafiiska Madaxweyne Xigeenka Puntland Axmed Cusmaan Karaash ayaa been abuur ku tilmaamey Warar ay sheegeen in laga baahiyey Madaxweyne Xigeenka.

Waxaa la baahiyey in Madaxweyne Xigeenku uu waraysi bixiyey waraysigaasoo Qoraal ahaan lagu sheegey inuu Madaxweyne Xigeenku uu ka hadlay Arimo badan oo ay kamid yihiin Xilka qaadistii Gudoomiyaha Baarlaaanka, Xafiisku wuxuu Arintaas ku tilmaamay War aan jirin.

Xafiiska Madaxweyne xigeenku waxay kaloo sheegeen in uusan jirin Khilaaf u dhexeeya Madaxda Sare ee Dalka.

Hadalkaan kasoo yeeray Xafiiska Madaxweyne Xigeenka oo aan ilaa hada si rasmi ah oo Warsaxaafadeed ahaan ah aan loo baahin ayaa ku soo aadaya Xili uu jiro warar sheegaya in Uu wadada kusoo jiro Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Xigeenka, Warbaahinta Puntlandi.com ayaa dhalay oo Khamiistii ahayd helay Warar rasmi ah oo sheegaya Mooshinka.

Puntlandi.com
Garowe