TACSI : – Jaaliyada Puntland ee Denmark oo ka tacsiyeysay Halyeygii Xulkii Qaranka Somaaliya iyo Kooxdii Jeenyo Marxuum Maxamed Xaaji Aden oo xalay ku geeriyooday magaalada Toronto ee Dalka Canada

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICIIN

GEERIDU WAA XAQ

Waxaa Allaah ha u naxariistee habeenkii xalay oo ahaa Arbaco 6.11.2019 ku geeriyooday magaalada Toronto ee Dalka Canada Haleyeygii Xulka kubada Cagta ee Qarankii Somaaliyeed iyo Weerer yahankii Kooxada Hawlaha Guud ee Jeenyo ( LLPP) Marxuum Maxamed Xaaji Aden.

Jaaliyada Puntland ee Denmark iyagoo ka tiiranyeysan geeridaa naxdinta leh ee ku timid Marxuum Maxamed Xaaji Aden waxay tacsi u dirayaan dhamaan Qoyska Reer Xaaji Aden Camay, Awladii, Xaaskii,Asxaabtii iyo guud ahaa Shacbiga Somaaliyeed ee Marxuumku ka baxay, waxyna Ebbe uga baryayaan inuu samir iyo iimaan ka siiyo.

Sidoo kale Xubnaha Jaaliyadu waxay Marxuumka Alle uga baryayaan Dembi dhaaf iyo naxariis.

Maamulka iyo Hawlwadeenada Shabakda Puntlandi waxay tacsi khaas ah u dirayaan dhamaan Qoyska Reer Xaaji Aden Camey, Xaaskii iyo Awlaadii uu marxuumku ka baxay