Breaking News—-Mooshin cusub oo la hor keeno doono Baarlamaanka Puntland

Xukuumada Puntland iyo Baarlamasn kuna waxay maalmahaan wajahayaan Isbadal iyo shaqo Adag oo ku jshsysan adkeystay Tiirarka Dowladnimo iyo kala dambeynta Shaqooyinka loo igmaday Masuuliyiinta iyo sidii meesha looga saari lahaa kuwa ka leexday shaqadii loo igmaday.
Warar rasmi ah oo Warbaahinta Puntlandi.com ay la wadaageen goob joogayaal ayaa waxaa soo baxaya in Falkii Xalay ka dhacay Garowe uusan ahayn mid uu ku luglahaa Gudoomiyihii Baarlamaanka CabdiXakiin Dhoobo Daareed oo Qura ee ay jiraan Masuuliyiin Sarsare iyo Shaqsiyaad kale oo iyana ka qayb qaatay, Taasina waxay hor seedet in Gudoomiye Dhoobo uu shaqadiisa waayo.

Ciidamo ka tirsan Masuulka labaad ee Puntland ayaa Xalay si sharci daro ah waxay Rasaas ooda uga qaadeen Dad rayid ah ø, Waxay kaloo Xabdo u fureen Jaha walba, Arintaas waxaa hada ku socda abaritaan.

Mooshinka hada wal abaabulayo waa mid laga keeno doono Madaxweyne Xigeenka Puntland oo lagu eedeynayaan eedeyno la mid ah Kuwii Ex. Gudoomiye Dhoobo Daareed.

Warar rasmi ah oo Warbaahinta Puntlandi.com ay heleen ayaa loo xaqiijiyey in Baarlamaanku ay u yeeri doonaan Madaxweyne Xigeenka, waxaase sugayaa iney marka hore ay doortaan Gudoomiye.

Puntlandi.com
Garowe