Who is next , Gudoomiye Dhoobo waa ku daayay yaa xiga?

Dad badan ayaa aaminsan in ololaha ka socday maalmahaan Gudaha Baarlamaanka Puntland inuusan ku ekayn oo qura Gudoomiye Dhoobo oo ay jiraan koox Xildhibaano ah oo wax ka maloogayay in la afgambiyo Hanaanka Fowladnimo ee Puntland.

Xildhibaanadaas waa koox la bar garanayo oo waxay gaarayaan ugu badnaa 9 Xildhibaan.

Wixii Xalay ka dhacay Garowe ma hayn kama ee ulakac lagasoo abaabulay meelo kale ayay ahaayeen, Xukuumada Puntland dhowr jeer ayaa loo digey bishii hore ee Oktobar , waxaana loo sheegay inuu isku Day Siyaasadeed oo khalkhal lagu galinayo Puntland uu socdo, waxaa farta lagu fiiqay kuwa isku’dayga wada iyo Kuwa soo Abaabulay.

Inkastoo Xukuumadu ay dhayal satay digniintaas hadana Dareenka ugu wayn wuxuu bilowday kolkii Madaxweynuhu uu Baarlamaanka hortagay Sadex isbuuc ka hor halkasoo uu indhihiida kusoo arkay kooxo Xildhibaano ah oo laga dhex hadlayo.

Hadaba Maxaa xige Xilka qaadistii Gudoomiyaha, Yaase Xige