Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo iscasilaya

Warbaahinta Puntlandi.com ayaa ogaatay in lagula taliyey Gudoomiyaha Baarlamaanka CabdiXakiin Dhoobo Daareed inuu iscasilo.

Siyaasiyiin aad ugu dhow Gudoomiyaha ayaa kula taliyey inuu iscasilo kadib falkii Xalay ka dhacay Baarlamaanka oo Dad rayid ah iyo Ciidan ay ku dhinteen.

Dhanka kalena Waxaa Baarlamaanka Kiiska u saaraan Mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha.

Maxaa jira oo Gudoomiyuhu isu casilayaa

Gudoomiyaha waxaa laba beri ka hor lagasoo gudbiyey Mooshin kadibna Gudoomiyuhu wuu ka dhiidhiyey Mooshinka laga keenay, wuxuuna Ambray in Xildhibaanadu fasax yihiin ilaa Isniinta, wuxuu kaloo Gudoomiyuhu amray in Baarlamaanka la xiro oo aan cidna soo gali Karin, wuxuu kaloo Gudoomiyuhu uu Baarlamaanka keenay Ciidan isaga ugaara.

Xalay Fiidkii ayaa Maamulka Gobolka Nugaal iyo Taliyaha Ciidanka Amaanka Gobolku waxay isku dayeen in ay Ciidanka ka qaadaan Baarlamaanka, laakiin Ciidanku waxay sheegeen inay Baarlamaanka ku Amar Gudoomiye Baarlamaan.

Wax yar kadibna Ciidankii Baarlamaanka ayaa Rasaas ooda uga qaadey Gaari ay Ciidan saaraayeen, rasaastaas oo waxyeelaysay Dad rayid ah oo ka fogaa goobta, Askarna waa ka geeriyootay.

Xaalada Magaalada Garowe maanta waa degan tahay, waxaana socda Dadaalolagu galinayo muranka Siyaasadeed ee ka taagan Baarlamaanka.

Puntlandi.com
Garowe