Breaking News— Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Oo codka kalsoonida in loo qaado la dalbaday ayaa sabab u ahayd isku dhici caawa

Warbaahinta Puntlandi.com oo xiriir la sameysay qaar kamid ah Xildhibaanada ayaa ogaadey in Qaar kamid ah Xildhibaanadu ay dalbadeen in Kulan deg deg ah uu Baarlamaanku isugu yimaado balse waxaa kulankaas baajiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane CabdiXakiin Dhoobo Daareed.

Kulanka ayaa wuxuu ku saabsanaan lahaa Abaabul ka dhan ah Gudoomiyaha Baarlamaanka, waana sababta keentay in uu Gudoomiyuhu uu Baarlamaanka fasaxo ilaa Isniinta , wuxuuna Xildhibaanada ku wargaliyey in Baarlamaanku uu xiran yahay, waxay wararku intaas ku darayaan in Gudoomiyuhu uu Ciidan keeney Baarlamaanka.

Wararka aan helayno waxay kaloo sheegayaan In Ciidamada sida kadiska ah ku yimid Baarlamaanka ay doonayeen iney la wareegaan Amaanka Baarlamaanka, oo ay xiligaas ku sugnaayeen Ciidan uu Gudoomiyiha Baarlamaanku uu keensadey Baarlamaanka.

Ciidamada Dowlada ayaa durbadiiba ka dalbadey Ciidamadii ku sugnaa Baarlamaanka iney baneeyaan Kanasoo baxaan Baarlamaanka laakiin nasiib daro waxaa durba si kadiscah u bilowday xabado,

Waxaa la xaqiijiyey in Ciidamadii ku sugnaa Baarlamaanka ay rasaasta fureen iyagoo dhinac walba Rasaas oodabuga qaadey.

Sida aan xogta ku heyno waxaa Ciidanka weheliyey Saraakiil sarsare wuxuuna ahaa howlgal loogasaarayay Baarlamaanka Ciidan maanta yimid Xarunta Baarlamaanka oo uu Gudoomiyaha Baarlamaanku ogaa.

Madaxtooyadu wali kama aysan hadal falka ka dhacay Aqalka Baarlamaanka.

Puntlandi.com
Garowe