Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo Ka hadlay falkii ka dhacay Aqalka Baarlamaanka Puntland

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa ka hadlay falkii israsaasaynta ahaa ee caawa ka dhacay Magaalada Garowe.

Gudoomiyaha ayaa wuxuu sheegay in Baarlamaanka lasoo weeraray ayna Xukuumadu soo weerartay.

Hadalka Gudoomiyaha oo xanaaq ka muuqdo ayaa wuxuu sheegay in Uu ogyahay cida ka dambeysa weerarka, wuxuuna ka tacsiyeeyey Falkaan ka dhacay Xarunta Baarlamaanka iyo Dadkii ku geeriyoodey.

Wararkuse h waxay sheegayaan in Gudoomiyahuhu uu isagu keensadey Ciidan gaara Gudaha Baarlamaanka ayna Ciidankasi Rasaas ku fureen Ciidan kale iyo Dad rayid ah
Puntlandi.com
Garowe