Faahfaahin Isku dhac Ciidan oo ka dhacay Xarunta Baarlamaanka Puntland

Labo Askari iyo Nin Ganacsiga ku lahaa nawaaxiga ayaa geeriyoodey Sadex Askarina Way ku dhawacantay kadib markii Ciidamada Amaanka iyo Ilaalada Baarlamaanka Puntland ay isku dheceen Caawa fiidkii.

Sida ay wararka ku helayaan Puntlandi.com Ciidamada Amaanka ayaa si deg deg ah waxay kusoo galeen nawaaxiga Baarlamaanka waxaana durba bilowday Rasaas.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in Xildhibaanada qaarkood ay ka war hayeen sababta Ciidanka u yimaadeen Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka CabdiXakiin Maxamed Axmed (Dhoobo daareed) oo ka hadlay falkaan ka dhacay Baarlamaanka ayaa wuxuu ku eedeeyey iney ka dambeyso Xukuumadu, Wali Xukuumada kama aysan hadal dhankooda.
Qofka Rayidka ah ee ku geeriyooday falkaan waxaa lagu magacaabaa Ganacsade Abdihakim Maxamed Farax (Dhagaweyne)

Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Dhoobo Daareed ayaa maanta wuxuu fasax galiyey Baarlamaanka xili ay Xildhibaanada inta badan ay Dalbadeen kulan Deg deg ah oo aan la shaacin Ajandihiisa.

Puntlandi.com
Garowe