Puntland waxay u baahan tahay isla xisaabtan dhan ah, iyo in Talaabo Siyaasadeed laga qaado kuweena wax yeelaya Magaca Puntland

Xukuumada uu hormuudka ka yahay Madaxweyne Farmaajo waxay Malaayiin Doolar jeebka ugu shubeen kooxo Reer Puntland ah si loogu adeegsado in la wiiqo Hanaanka Dowlad nimo ee ka jira Puntlanf, waana markii u horaysay oo la adeegsado Xubno ku jira Siyaasada Puntland oo waliba Xiligaan u adeegya Dhacbiga, horaabloo yiri doqonkii dab loo dhiibo buulkiisuu qaban siiyaa.

Nasiib wanaag waxaa durba kashifmay isku daygaas qaawanaa ee lagu waxyeelayn lahaa Puntland waxayna Tani muujinaysaa in Puntland ay sii xoogaysanayso.

Waxaa xaqiiq ah in Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu Dal iyo Dibada uga adkaadey Villa Soomaaliya waana tan ku kalifatey Villa Soomaaliya iney wado kale maraan, waxayna awoodoodii isugu geeyeen iney adeegsadaan kuwa ay u arkeen iney qaldi karaan iyagoo shilimaad lacagta u daadiyey, kuwasoo isugu jira Dad Reer Puntland ah iyo kuwo u shaqeeya qaar kamid ah Saxaafadaha Soomaalida sida Universal TV.

Wasiirkii hore ee Wasaarada Waxbarashada isla markaasna ahaa Musharax Madaxweyne Puntland iyo Soomaaliya Cali Xaaji Warsame oo wax laga waydiiyey Xaalada Siyaasadeed Ee Puntland ayaa wuxuu sheegey in Puntland ay tahay Meel Adag oo Siyaasadeed ay sida Dhagaxs u Adag tahay isla markaasna Xal laga gaara wax walba oo la isku qabto.

Wararka ay Warbaahinta spunlandi.com helayaan waxay sheegayaan in Siyaasiyiinta aan Xilka heyn iyo Xukuumadaba ay kawada Shaqaynayaan sidii looga tagi lahaa Shaqsiyaadka loo adeegsado Puntland Xamar ha hoogendik ama Garowe ha joogeene.

Puntland waxaa looga bartay Dulqaad laakiin waxaa lagaaray xiligii La isla Xisaabtami lahaa keenii loo arko inuu wax u dhimayo Amaanka Qaranka waa in Talaabo cad laga qaadaa, Shacabkuna ha iska takooreen si aysan dib ugusoo laaban Siyaasada Siyaasiyiinta loo adeegsado Waxyeelida Magacooda iyo Amaankooda.

Puntlandi.com
Garowe