Wasaarada Waxbarashada Puntland oo hirgalinaysa Iskuulo masaari ah

Image processed by CodeCarvings Piczard ### FREE Community Edition ### on 2018-12-03 15:02:43Z | http://piczard.com | http://codecarvings.com

Dowlada Masar iyo Puntland ayaa kala saxiixdey Heshiislagu horgalinayo Iskuulo afcarabi lagu fhiganayo kuwasoo Macaliniin Masaari ah ay ka howlgali doonaan.

Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan oo Hada ku sugan Qaahira ayaa kulan uu la qaatay Dhigiisa Masar Tarek Galal Shawki wuxuu kula saxiixdey heshiis rasmi ah oo socon doona wakhti aan cayimayn,Heshiiska waxaa kamid ah in Masar ay dhisayso Iskuulo gaara, Ayna qalabaynayso isla markaasna ay sanad walba usoo dirayso Macalimiin Masaari ah,

Iskaashiga Cusub ee dhex Mari doona Masar iyo Puntland wuxuu bilow u yahay heshiisyo kale oo soo socda.

Dowlada Puntland ayaa Masar uga mahad celisay Mashaariicda waxbrasha ee ay ka fulinayaan Deegaanada Puntland.

Waa markii u horaysay oo Puntland iyo Masar ay kala saxiixdaan Heshiis Wax barasho, waxaa horay u jiray heshiisyo kaluumaysi oo wakhti yar socday.

Puntlandi.com
Garowe